Antonio Guterres oo War kasoo saaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xarunta Xalane

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerar dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen gudaha xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadam Cadde.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Gutarres cambaareenayo weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday xarumo ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Antonio Guterres, ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarka Al Shabaab ku qaadeen gudaha xeendaabnka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde , waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay weerarka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in lasoo qabto lana horgeeyo cadaaladda dadkii ka dambeeyay weerarka khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday xeendaabka garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

”Xoghayaha Guud wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxayna mar kale xaqiijineysaa inay ka go’an tahay inay ku taageerto sidii nabad iyo amni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar shalay lagu qaaday xarunta Xalane , waxaana weerarkan ku dhintay ku dhawaad toban qof ay ku jiraan shan qof oo ajaaniib ah halka tiro kalana ku dhaawacmeen weerarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -